Ads 468x60px

.

Friday 8 June 2012

Ethiopian Airlines to Start New Services to Berbera

Flights to Hargeisa differed as Renovation of Runway not Complete
Press Release
Addis Ababa, Ethiopia: Ethiopian Airlines, the fastest growing airline in Africa, is pleased to announce the start of new flights to Berbera, the port city of Somaliland, as of July 1, 2012. Ethiopian will fly to Berbera daily using its Q400 aircraft, with three morning and four afternoon flights.
Ethiopian’s addition of Berbera to its network will bring its international destinations in Africa to 43, excluding its 17 domestic points, thus further solidifying Ethiopian’s position as the airline that provides the most convenient connection to and from Africa.
The resumption of flights to Hargeisa, the capital of Somaliland, scheduled for June 10, 2012 has been differed as renovation of runway at Hargeisa airport has not been completed. Once the renovation at Hargeisa airport is completed, Ethiopian plans to start flights immediately.
Berbera, a seaport town with the only sheltered harbor on the Southside of the Gulf of Aden, is playing an increasing role as an alternative sea trading door for the East Africa region. It is the most important city in Somaliland next to its capital city Hargeisa.
Ethiopian’s addition of Berbera to its network, in addition to strengthening trade networks in East Africa, will enable international travelers from the Middle East, Africa, Asia, Europe and the Americas a much more convenient and easy access to the Somalia Region.
About Ethiopian
Ethiopian Airlines, the fastest growing airline in Africa, made its maiden international flight to Cairo in 1946 and now the Airline provides dependable services to 65 international destinations spanning four continents.
Ethiopian is proud to be a Star Alliance Member. The Star Alliance network is the leading global airline network offering customers convenient worldwide reach and a smoother travel experience. The Star Alliance network offers more than 20,000 daily flights to 1,293 airports in 190 countries.
Ethiopian is a multi-award winner for its commitment and contributions towards the development and growth of the African aviation industry and in recognition of its distinguished long-haul operations enhanced by the introduction of new routes and products. Recently, Ethiopian won Gold in the African Airline of the Year 2011/2012 Awards organized by the African Aviation News Portal. Ethiopian also received the 2011 AFRAA award for being consistently profitable over the years and has won the “AFRICAN CARGO AIRLINE OF THE YEAR 2011 Award” for its excellence in air cargo. Ethiopian also won the NEPAD Transport Infrastructure Excellence Awards 2009 and “the Airline of the Year 2009 Award” from the African Airlines Association (AFRAA).
With its acquisition of and firm orders for several new modern fleet, the airline is well positioned to pursue aggressively the implementation of its 2025 strategic plan to become the leading aviation group in Africa.

amazing story do you beleive!!??



NEW YORK(HWN):Inkastoo dunidu ay dhaqaalo xumo wajaheyso ayaa hadana mararka qaar waxaa muuqanaya sida ay ukala sareeyaan dadyowga aduunka.

Bruce Campbell waa nin udhashay wadanka mareykanka waxana uu kasoo jeedaa gobalka Oregon waxaana uu hoy ka dhigtay ama gurigii udagan yahay ka dhigtay diyaarad weyn oo ah nuuca Boing 727.
Koox saxafiyiin ah oo ka tirsan CNN-ka ayaa booqatay guriga diyaarada ah ee ninkaan waxaana markii ay la kulmeen uu usheegay in uu waligiis ku riyoonayay in uu kasoo dhex tooso guri diyaarad ah ayna uromoowday.

Diyaarada ayaa la sheegay in uu dhigtay meel keyn ah oo ku taala gobalka Oregon,waxaana la sheegay in labada baal ee diyaarada uu mid jaran jaro ka dhigtay lagu soo galo gurigiisa.
Waxaa la sheegay in uu ku kordhiyay hal musqul oo gooni ugu qubeysto ,isagoo dadka soo booqda si weyn halkaa ugu soo dhoweya.

Eng. Xaashi Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Oo Ka Qaybgalka Xukuumadda Somaliland Ee Shirarka Soomaalida Iyo Wadahadalada Ku Tilmaamay Murkacasho Siyaasadeed Oo Aan Loo Baahnayn

Hargeysa(ANN) Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku tilmaamay shirarka Somaliland ka qaybgashay ee London iyo Istanbuul kuwo muujinaya murkucasho siyaasadeed. Sidaa awgeed ku taliyay

inay xukuumaddu ka noqto wadahadaladii Somalia.
Eng Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa Wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo ka caydhiyay xukuumaddiisa horaantii sanadkan,  ayaa  saluug weyn ka muujiyey hanaankii Somaliland uga qayb-gashay shirarkaa oo ka qaybgalkooda uu ku tilmaamay inay mid muujinayay inay Madaxda Somaliland hoos geeyeen  masuuliyiinta TFG-da.
Eng Maxamed Xaashi oo maanta  shir-jaraa’id ku qabtay gurigiisa Hargeysa,  ayaa sidoo kale muujiyey sida aanu u jeclaysan shakhsiyaadka reer Somaliland ee mararka ay Somaliya ka hadlayaan adeegsada weedha ah “Walaalaheen”, isagoo tilmaamay in kalmadaasi ay tahay mid aan meesha ku jirin, maadaama buu yidhi ay dadkaasi dhibaato laxaadle u geysteen shacabka reer Somaliland.
Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,   “Inaga wixii inagu dhacay iyagga (Koonfurta Somaliya) kuma dhicin, waxa kale oo dhacay adduunkii 700 ilaa 800 oo sanadood la ururinayey waatii la boobay ee la gurtay, imikana inagu waxaynu nidhaahnaa walaaladeen, kalmadaasina inay meesha soo gasho may ahayn, waayo walaaladaa inay sidaa kuu galaan may ahayn ee inay kuu hiiliyaan ayay ahayd, markaa kalmada walaaladeen waa mid aan meesha qabanba”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dalka markii aynu ku soo noqonay 1991-kii Magaalooyinku way wada burbursanaayeen, laakiin dib u dhiskoodii muddo inagumuu qaadan oo kumaynaan nasiib xumayn, markii aynu dawladnimadeenii la soo noqonay waxaynu la nimid fikir odhanaya Somaliya waynu ka wada hadlaynaa wixii inaga dhxeeyay iyo sidii aynu u noqon lahayn laba dawladood oo jaar ah, laakiin imika taasi waa arin aan aad loo tafsiirin,  lamana  odhan maxaynu ka wada hadlaynaa ee waynu wada hadlaynaa ayuun-baa la yidhaahdaa, maaha in dhibaatadii aynu xoriyada u marnay iyo intii dad inagaga dhimatay iyo intii xoolo la inagaga dhacay in maanta si dhibyar loo yidhaahdo way soo noqonayaan wax meesha ku jira maaha, laakiin waxa aynu ka wada hadlaynay waxay ahayd wixii inaga dhexeeyay ee may ahayn isku noqosho, imikana waxaad moodaa in mowqifkii wax iska bedaleen oo arinkii shisheeye daraf inaga soo galay oo shirarkan imika la wado waa shirar ay hogaaminayaan dawlado shisheeye, dawladahaasina waxay  arrintii ka dhigeen sidii aynu heshiinayno, madaxda Somaliyana sidaas ayay uga hadashaa. Marka laga soo bilaabo shirkii London iyo kii Istanbul waxaad arkaysaa soofadaran habow.”
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sharaxaya wadahadalka Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi,  “Waxaynu bedalnay siyaasadii ahayd lalama hadli karo ilaa ay dhistaan dawlad dadku soo doortay oo lagu kalsoon yahay, tan imika markaad eegto talaba ma hayaan oo waa loo talinayaa, markaa mowqifkaa cusub ee la leeyahay aynu la shirno oo aynu dhex fadhiisano, marka aad ka soo qaado shirkii London, Madaxwaynaheenu waxa uu tagay isaga oo Madaxwayne ah,  laakiin markii uu shirka galay Shariifka ayaa Madaxwayne inoo ahaa ilayn la inama ictiraafsanee, shirkii Istanbul-na wasiirradeenii tagay iyaga ayaa  u madax ahaa (TFG-da), waayo dadka shirkaasi joogay Somaliya ayay dawlad ahaan u aaminsan yihiin,  markaa halkaa khasaare ayaa inoogu jira, inaga oo ay tahay inaynu wada hadal la yeelano dad umaddu soo dooratay oo wax ka go’aan”ayuu yidhi.
Wuxuuna soo qaatay qaabka ay madaxda dawladda Taagatadaran uga hadlaan dhibaatadii shacbiga Somaliland loo geystay, isagoo yidhi, “Marka ay ka hadlayaan dhibaatadii ina gaadhay waxay yidhaahdaan cid walba waxbaa gaadhay, waxay yasayaan dhibaatadii ay inagu sameeyeen, laakiin iyagu (shacabka Koonfurta) is-gaadhsiiyey dhibaatada, laakiin inaga dawladii dalka (Taliskii Siyaad Barre) ayaa ina gaadhsiiyay.
Waxaan ku talin lahaa fikradeenii hore ee ahayd in lala hadlo marka ay wax noqdaan, waayo imika in lala fadhiisto ayaa ceeb ah, waxaanad moodaa in wada hadalkii inaga qaloocday, waxaanan leeyahay aynu arrinkaa dib ugu noqono oo aynu danteenii u soo noqono oo marka cid ay doortaan ee ay masuul noqdaan wixii ka wada hadlayno aynu ka wada hadalno.”
“Haddii aynu teena ku guulaysan waynu inaynu ta xun u diyaar-garowno ayaa inala gudboon oo aynaan wakhti iskaga lumin nimankan aan cidna matalin, waxaanan qabbaa inaynu ka soo noqono murgacashada inagu timid labadii shir ee London iyo Istanbul”ayuu yidhi. Eng. Xaashi isagoo ka talinaya haddii arrimuhu noqdaan kuwo madhalays ah.

Sunday 3 June 2012

أشْهَدُ-أَنْ-لا-إِلهَ-إِلاّ-الله-وَأَنَّ-مُحَمَّداً-رَسُولُ-الله
░█░░░█░█░▄▀░█▀▀░
░█░░░█░█▀░░░█▀░░
░█▄▄░█░█░▀▄░█▄▄░\