Ads 468x60px

.

Saturday 14 April 2012

KHUDBADII MADAXWAYAHA EE SHIRWAYNIHII 3AAD EE XISBIGA KULMIYE



Hargeysa (somaliland) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Furitaanka Golihii Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Khudbadaas oo dhamaystiranina waxa ay u dhignayd sidan
 
Shirgudoonka Baarlamaanka, mudanayaasha labada Gole,
Wasiirada, Hogaanka Kulmiye, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, martisharafta, dadweynaha iyo saxaafadda. Waxan idinku salaamaya salaanta islaamka“Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatu”. 

Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbigaSomaliland gudo iyo dibedba, sidaas oo kale waxaan salaan iyo mahad-naq gaar ahu dirayaa xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, waxaanan mar kale  uga mahad celinaya taageeradii joogtada ee aycodkooda, cudud-dooda, caqligooda iyo cuudkoodaba iigu hibeeyeen xilligiitartankii doorashada iyo ka dibba hogaaminta Qarankan, waxaanan idinkarajaynayaa inaad halkaa ka sii waddaan dadaalka, isku duubnida iyo illaalintadanta guud inta ay umaddani gaadhayso himiladeeda xisbigeenuna  uu ka noqonayo mid waara, wiilka, wiilkiisa ooaan la loodin karin.
Mudanayaal iyo Marwooyin, 

Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahayxaqiijinta himiladeena ummadeed, adkaynta nabadgelyada, midnimada bulshada,horumarinta dalka iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland.
Xilligii ololaha doorashada, ballanteenuwaxay ahayd fulinta barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga marka aynu talada kuguulaysano.

Al-xamdu-lilaahi, illaahay wuuinagu guuleeyey, wax-qabadkii Xukuumada Kulmiye iyo halkii ay kasoo bilawdaywaxaad ka helaysaan buuga wax-qabadka ee la idiin qaybiyay, waxaana barbaryaalabuugii balanqaadyada Kulmiye oo aanu fulinay intiisii badnayd mudo labo sano kayar, iyadoo aanu Ballan-qaadyadaa fulintooda u soo kala horreeysiinay sidii ayu kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaana ay awooddadhaqaale inoo saamaxaysay. 
1.    Aqoonsi Raadinta Qarannimada Somaliland iyo Siyaasada ArimahaDebeda: 
Waxaanu xil iska saarnay xaqiijinta iyo taabo-gelintamadax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah sidii ay uga mid noqon lahaydbulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa. 
Waxaa hubaal ah in aanu arintan kasoo hoynay guulaan qarsoonayn, annagoo maanka ku hayna muhiimadda uumandaqadda u leeyahay xidhiidhka  sokeeyeee waddamada jaarku, bilowgiiba waxaanu safar shaqo ku tagnay Jamhuuriyada  aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo dalkaItoobiya ee aynu saaxiibka nahay, halkaas oo si weyn naloogu soo dhaweeyay.
Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnaywadamada carabta sida: Imaaraadka, Kuwayt, Masar, iyo wadamada South Sudan iyoShiinaha. Waxaanu kulan khaas ah oo aan hore u dhicin   la yeelanay (Security Council) GollahaAmaanka ee Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa (The Highest body). 
Waxaamarag-madoon ah in ay Somaliland qiimo wayn ugu fadhido guushii aynu kasoohoynay shirkii caalamiga ahaa ee London oo ahaa dhacdo taariikhi ah, waxaanayshirkaa dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaalya ay wada hadlaan, waanamadashii ugu horaysay ee mudo 50 sanadood ku siman ay beesha caalamku garwaaqsatayjiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland (as an entity). 
Hadaba,Anigoo ku kalsoon in ay danteena iyo madax-banaanideenu ku jiraan isla markaanadhinaceena fulinaya go’aanka shirkaa London, waxaan magacaabay Shan (5) Wasiir ooLondon u tegaya go-gol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oohordhac u ah sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay dunidu inoogubaaqday.  Waxaa ii qorshaysan in aan soosaaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshelagu midaysanyahay marka ay ku haboonaato, waxaynu ku guulaysankaraa marxaladkastana kaga gudbi karaa midnimo iyo isku-duubni. 
2.   Dhaqaalaha:
Dhaqaaluhuwaa laf dhabarta nolosha, waana dhidibada horumrka, anagoo ka duulaynaballantii xisbiga iyo masuuliyada naga saran umadii xilka noo igmatay, waxaanudardar gelinay kobcintii dhaqaalaha iyadoo sanadkii 2010 ee aan xilka lawareegay miisaaniyada qaranku ahayd $44,000,000 US Dollar, ayaanu sanadkii 2011 gaadhsiinay$86,000,000 US Dollar, iyadoo aanu sanankana odorosnay inay gaadho miisaaniyadu$110,000,000 US Dollar. 
Waxaanugobolada bariga ka bedalay lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaalijiray,taasoo wax weyn ku kordhisay dhaqaalaha dalka.
 Waxaynuku guulaysanay in aynu kasbano kalsoonida wadamada horuumaray taasoo keentay inay dawladaha Ingiriiska iyo Denmark billaabaan sidii ay Somaliland ugu samaynlahaayeen mucaawino khaas ah.
 Bulshokasta waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay lasoo baxdo, anagoo dhiirigelinayna wax soosaarka, waxaanu dardargelinay dalaga iyo beeraha waxaana suura-gashay in markiiugu horaysay Bariis beereheena kasoo go’ay lagu cuno carigeena. Ganacsatada iyoShacbigaba waxan ugu baaqayaa in ay xooga saaraan dhiiri-gelinta, tacabka lagugaadhi karo in aynu dhulka wax-kala soo baxno.

3.   HorumarintaDimuquraadiyada: 
Anagooka duulayna ballanqaadkii Kulmiye ee ahaa kobcinta geedi-socodkadumuquraadiyada iyo in la ballaadhiyo saaxada siyaasada si loo helo tartancaafimaad-qaba iyo loollan ku dhisan saaxiibtinimo, waxaanu suuro-gelinay, Furashadaururada siyaasadeed iyo abuuridda gudida diiwaangalinta iyo ansixinta axsaabta.  Haddaba raga tartanka u xusul-duuban oo ay qaarkoodururo badani kasoo burbureen oo guuldaro badan soo joogay, waxaan leeyahay sisharafleh u tartama, qaranimada illaaliya, kubada laada oo idinku hais-laadina, saaxaddaa siyaasadda iyo saaxiibadiin ayaa tartan idinkadhexeeyaaye, eedayn aan jirin iyo afxumo cod laguma keenee, carrabkiina naxligaka dhawra, waxaana inoo ballan ah doorosho xora oo xalaal ah. 
4.    Arimaha Bulshada: 
Ballanqaadku waxa uu ahaain bulshada loo horseedo wax-barasho billaash ah si ay danyartu u hesho fursadla mid ah waxbarashada ay helaan kuwa ladani, waana lagu guulaysatay, wixiidhamaystir u baahana gacantaa lagu hayaa, waxaanan rajaynayaa in Somaliland ayka hana-qaadidoonto aqoontu. 
Waxaanu tallaabooyin waxku ool ah iyo wax la taaban karo ka qabanay dhinacyada kala duwan eecaafimaadka, iyadoo aanu dedaal gelinay fayo-qabka guud ee bulshada,cidhib-tirka cudurada faafa, horumarinta cusbataalada gobollada iyo degmooyinkaiyo kor u qaadida adeegyada caafimaadka,
Waxaa Hargeysa laga Billaabaydhismaha Cusbitaal weyn oo caalami ah.
Si dhallinyarada loodhiirigeliyo loogana badbaadiyo dhaqammada lidka ku ah horumarka bulshada,waxaanu ansixinay Siyaasada dhalinyarada Heer Qaran, waxaanu suuragelinay in ayka qayb-galaan doorashooyinka Dawladaha Hoose 25 jir iyo wixii kaweyn. Waxaanuqabanay ciyaarihii gobollada taasoo loo soo agaasimay si heer qaran ah kunadhamaatay guul.
Anigoofulinaya balan-qaadkii xisbiga, tixgelinna siinaya xuquuqda dadka laga tiradabadanyahay, waxaan gudi heer qaran ah u saaray inay daraasad ku sameeyaan kanasoo talo bixiyaan Beelaha laga tirada badan-yahay oo dhibaato ku qaboDoorashooyinka, wixii talo layla gartayna waxaanu u gudbinay Golayaasha Baarlamaanka,sidoo kale waxaanu shaqaalaynay 27 xubnood oo kasoo jeeda beelahaa, iyadoo dhawr iyo soddon arday ooka soo jeeda beelahaa ay xukuumadu ka bixisay kharashka waxbarashada heerjaamacadeed. 
5.    Cadaalada iyo Garsoorka: 
Sidii ku xusnaydbarnaamijkii xisbiga, xal u helida garsoorka iyo sugidda caddaalada, waxaanuqabanay kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana daraasad lagu sameeyayxaaladda caddaalada iyo garsoorka dalka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, GudidaCaddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeer-ilaalinta, Culimada,madaxdhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tarikaraan. Anagoo ka shidaal qaadanayna wixii kasoo baxay cilmi-baadhistaa,waxaanu wax wayn ka qabanay nidaamkii garsoorka ee dalka.  
6.   Amaanka Qaranka: 
Waxaanuahmiyad siinnay ciidamada kala duwan ee Amaanka, Ciidanka Qaranka, Booliiskaiyo Asluubta si loo adkeeyo nabad-gelyada, difaaca Qaranka,  xoojinta nab-doonaanta Bulshada iyo kahortaga wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, dadkiisa iyo Dawlad-nimadiisawaxyeelo u keeni kara, anagoo arrintaa maanka ku haynana waxaanu laban-laabnaymushaharka ciidamada iyo dhaqaalaha kale ee loo baahan-yahay.
7.   Warbaahinta: 
Waxaanutayaynay guud ahaan warfaafinta iyo wacyigelinta, iyadoo TV-ga Qaranku uugaadhay daafaha dunida. Dhawaana waxa imanaysa oo Hawada gelidoonta Idaacadweyn oo uu Qaranku leeyahay taas oo Dalka oo dhan gaadhi doonta ama lagadhegaysan-doono.   
8.   Haweenka: 
DawladaKulmiye waxay dumarka siisay ahmiyad, iyadoo qayb fiican laga siiyay golahaxukuumada, Komishinada guud ahaana lagu qiyaaso inta xukuumadaydu shaqo siisay19.5%, waxaanan aaminsanahay inay tahay horumar aad u weyn. 
Waxaanusamaynay Taallada Xassuuta Halgankii SNM iyo Xarunta Kaydinta Taariikhdii Xorayntadalka, sidoo kale waxaanu abuurnay Xafiiska Isku-xidhka Qurba-jooga oo ayshaqadiisu tahay inuu isku xidho umadeen qurbaha daadsan, si loo mideeyocududooda. Waxaanu ka shaqaysiinay Hay’ada Illaalinta Tayada (Quality ControlCommission) oo muhiimad badan u leh Qaranka. 
9.   Sama-falka iyoMucaawinooyinka: 
Waxaanmaqlaa dad saxaafada u soo mariya oo xukuumada u soo jeediya dhaleecayn kusaabsan mucaawinooyinka, waxaa hubaal ah in dawladani ay la timi dedaal ay ku kasbatayin mucaawinooyin laxaad lihi wadankan yimaadaan, qaar badan oo aan laba arkijirin, oo dad gaara gacmahooda ku dhicijirayna la habeeyay, qaybinta iyo hadal-hayntubawaa intii Xukuumada Kulmiye jirtaye miyaynu hore u aragnay qoysas iyo xaafadoraashin iyo cunooyin kale loo qaybinayo. 
10.          Maamul-wanaaga iyo La-dagaalankamusuq-maasuqa: 
Siloo helo Qaran fayaw, loona illaaliyo hantida qaranka, waxaanu ka shaqaysiinayhay’ada distooriga ah ee Hanti-dhawrka Qaranka, waxaanu abuurnay Hay’ada Maamulwanaaga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa, waxaana la baadhay Dawladaha Hoose eeHargeysa, Burco, Bebera, Gebilay iyo Boorame, waxaa Hanti-dhawrku baadhaydhamaan wasaaradaha iyo gaar ahaan wasiirada oo ah halkii xukuumada ugusaraysay, waxaan loo xidhay eedo musumaasuq masuuliyiin iyo shaqaale badantaasina waxay marag ka tahay in dawladani tahay dawladii maamul-wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa, miyay dhacday baadhitaan laxaadkaa leh oo hortayo lagusameeyay laamaha dawlada? miyay dhacday cid weligeed loo xidhay musuq-maasuq? waxaanleeyahay dadka eedaha iyo dhalliisha uun meelahaa la taagan indhihiinu wanaagaha arkaan dhegihiinana samaha u fura. 
Ugudanbayn; iyadoo ay xusuustayda ku dheertahay dadkii kala duwanaa ee illaagumaystihii, qarankan usoo halgamayay, waxaan munaasibadan darteed halkan kaxusayaa halyaydii, iyo madaalayaashii naftooda u soo huray dhismaha iyojiritaanka Qaranka Somaliland, iyo sidoo kale halgamayaashii Xisbiga Kulmiye ooay ka mid ahaayeen ALLE ha u naxariistee    Keyse,Cali Maarshaal, Yusuf Tuke, Daauud Maxamed Geele, waxaanan illaahay ugabaryayaa isaga iyo geesiyada kale ee aanan xusinba in uu naxariistii janno kawaraabiyo, ubadkii, eheladii iyo bulshadii reer Kulmiyena waan ka tacsiyaynayaa.

0 comments:

Post a Comment