Ads 468x60px

.

Thursday 5 April 2012

DAWLADA HOOSE EE HARGAYSA OO KA WAREEJISAY SHIRKADA DHIS QASHINKA GURISTII XAAFADAHA QAAR MAGALADA HARGAYSA



Hargeysa - Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa maanta wareejisay shirkadda maxaliga ah ee DHIS  oo iyadu gacanta ku haysay masuuliyada hawsha qashin ururinta laba degmo oo ka mid ah sadex degmo oo ku yaala Magaalada Hargeysa.

Taas oo qandaraas hore loogu siisay inay ka shaqayso fayo-dhawrka degmooyinka kala ah 26 June, Ibraahim Koodbuur iyo Gacan-libaax ee Caasimada, waxaanay imika dawlada hoose shirkadda Dhis xil saartay oo qudha khashin ururinta degmadda 26- June,iyada ay laba shirkadood oo cusub oo kala ah TAABSAN iyo KEEPS ay u kala xil saaray khashin ururinta degmooyinka Gacan-libaax iyo Ibraahim-Koodbuur.
Munaasibadii shirkadahaasi loogu kala wareejinayay hawsha ay wada haysay shirkadda Dhis waxa ka soo qeyb galay Xoghayaha Fulinta dawladda Hoose Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi, Agaasimeyaasha waaxaha arrimaha bulshadda iyo Gaadiidka iyo Guddoomiyeyaasha sadexdaasi shirkadoood.
Agaasimaha waaxda Arrimaha bulshadda iyo Caafimaadka Dawladda Hoose Khadar Yuusuf Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dawladda Hoose ay go’aansatay si loo dar-dar geliyo caafimaadka iyo bilicda caasimadda Hargeysa in hawshii shirkadda DHIS ay wada haysay qeyb la siiyo laba shirkadood oo kale.
Md. Khadar Yuusuf waxa uu sheegay  in shirkadda Dhis ay ku baahday oo ay tahli wayday inay sidii la rabay uga soo dhalaasho khashin ururinta sadexda degmo ee Gacan-libaax, 26ka June iyo Ibraahim Koodbuur, sidaasi darteedna lagu wareejiyay khashin ururintii degmada Gacan-libaax Shirkadda Taabsan, halka degmadda Ibraahim Koodbuurna lagu siiyay qandaraas shirkadda Keeps.
Khadar Yuusuf waxa uu ugu baaqay Shirkadaha ururinta qashinka inay si weyn isu xil-saaraan oo ay xakameeyaan khashinka magaaladda, “Waxaan u soo jeedinayaa  inay inta aan la gaadhin xili roobaadka ay nadiifiyaan degmooyinka qandaraaska lagu siiyay shirkadaha cusub.”Ayuu yidhi Khadar
Guddoomiyaha Shirkadda DHIS Mahdi Cismaan Buuri oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin masuuliyadda culus ee laga dul qaaday, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay dawladda Hoose oo uu tilmaamay inay si weyn ula soo shaqeysay kana caawisay dhinaca Gaadiidka khashinka.
Mahdi Cismaan Buuri waxa kale oo uu Dawladda Hoose ku ammaanay inay kab lacageed siin jirtay si ay daboolaan adeega xasaasiga ah ee ay dawladda Hoose qandaraaska ku siisay.
Guddoomiyaha Shirkadda Dhis waxa uu balan qaaday inay ku dedaali doonaan inay ka soo baxaan masuuliyadda degmadda loo xil saaray inay ka ururiyaan khashinka.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in Golaha deegaanku go’aamiyay in labada degmo ee gacan-libaax iyo Ibraahim Kood-buur la siiyo labada shirkadood ee Taabsan iyo Keeps oo uu xusay inay ku guulaysteen tartan loo galay qandaraaska fayo-dhawrka degmooyinkaasi. Waxaanu intaas ku daray inay labadan shirkadood ay ku doorteen qalabkooda iyo kartida ay u leeyihiin inay daboolaan hawsha loo xil saaray.
“Arrinta khashinku waxay ahayd culaysyadda jiray ee dhinaca bilicda ka haystay dawladda Hoose, waxaana labadan shirkadood ay ku soo baxeen tartan loo galay waxaanan ku qaadanay markii aanu qiimaynay qalabkooda iyo awoodooda,”ayuu yidhi Mawliid Waris.
“Waxaan ku dardaarayaa dhammaan shirkadaha ka hawl-gala khashinku inay ka soo baxaan masuuliyadooda iyo adeega ay dawladda Hoose qandaraaska ku siisay.”Ayuu yidhi Xoghayuhu waxaanu sheegay inay shirkadda Dhis ay labadan shirkadood ee cusub ku wareejinayso wixii agab iyo gaadiid ah ee loogu tallo galay in loogu adeego degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo Gacan[-libaax.
Mawliid Waris waxa kale oo uu si qoto dheer uga waramay hawl-galkii ay dawladda Hoose ku banaysay jidadka faras-magaalaha Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay qeyb ka tahay qorshe balaadhan oo kor loogu qaadayo bilicda caasimadda,
Yuusuf Xuseen Iyo Cumar Sh. Cabdilaahi oo iyaguna ka kala socday shirkadah Taabsan iyo Keeps waxaanay balan qaadeen inay dedaal weyn u geli doonaan sidii ay ula tacaali lahaayeen khashinka labada degmo ee qandaraaska lagu siiyay waxaanay dawladda Hoose uga mahad celiyeen siday shirkadaha wadaniga ah uga qeyb gelinayso fulinta adeegyadda bulshadda.
Waxaanay talaabadan u qaaday markii shirkadda Dhis ay dabooli kari wayday fayo-dhawrka iyo khashinka sadexdaasi degmo.

0 comments:

Post a Comment