Ads 468x60px

.

Wednesday 4 April 2012

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UDUB Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Tix Gabay Ah Kaga Jawaabay Siyaasadda Murugsan Ee UDUB Iyo Go’aanadii Rayaale

Gabaygan oo la yidhaa XAQ-SOOR waxa uu soo baxay March 29keedii, 2012 markii lay sheegay shirkii ay guddida fulinta ee xisbiga UDUB ku yeesheen guriga Gudoomiyaha xisbiga mudane Daahir Riyaalle Kaahin

Hargeysa (HWN):- Aqoonyahan Jammaal Cali Xuseen ayaa tix Gabay ah oo la yidhaa XAQ-SOOR Kaga jawaabay marxaladda sirgacan ee uu haatan marayo xisbiga UDUB. Gabaygaasi iyo hordhac kooban oo  soo raaciyey ayaa wuxuu ku bilaabay sidan:

Gabaygan waxa uu soo baxay March 29keedii, 2012 markii lay sheegay shirkii ay guddida fulinta ee xisbiga UDUB ku yeesheen guriga Gudoomiyaha xisbiga mudane Daahir Riyaalle Kaahin. Halkaasoo uu mudane Riyaalle uu go’aamo ugu sheegayey isagoo laalaaya go’aamaddii ka horeeyay ee guddida fulintu ay si aqbaliyad ah hore ugu gaadheen markii uu isagu dalka kaga maqnaa wadankaasi Faransiiska. Ficilkaa gudoomiyahuna waa mid ka baxsan xeerka Xisbiga oo guddida fulinta waxa laali kara go’aankooda uun shirweyne xisbi oo la sameeyo. Haddaba in badan baan ka aamusnaa khilaafkan xisbiga oo aan ixtiraam muujiyey inkastoo laygu gardarooday oo hadalo deel-qaaf ah saaxaafadda ay ka mariyeen masuuliyiinta kale hawgu horeeyo gudoomiyaha Xisbiga Mudane Riyaalle oo markaasi Paris joogay isagoo idaacaddaha siinaayey waraysiyo lid igu ah aniga runtiina fajaciso igu noqotay maadaama uu Riyaalle yahay ninkii ii soo horseeday xisbiga laftigiisa iyo arrinkan aan galayba. Shuruudo badan oo ay igu xidheen oo runtii aanan qaarkood raalli ka ahayn ayaa laygu kalifay, waxaanan dareemay inay goobtani tahay meel shacbi wanaagsan iyo gudiyo fiican haysata laakiin ay hogaankeedii u sareeyay raacaynin sharciyaddii lagu heshiiyey ee ay hore u qorteen. Kolay Gabaygani waa hor-dhac waraysigayguna wuu ka danbeeyn doonaa Inshallah anigoo si fiican u qaadaa dhigi doono xaallada taagan haddii Ilaaha awooda lihi uu igu simo. Anigoo weli wax badan xeerinaya ayaan Gabaygan ku soo hal qabsaday Axmed Aaden Ismaaciil  (Axmed Keyse) oo ah kusimaha  xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo markaan warkaasi maqlay ka hubinaayey isaga xaqiijinta warkaasi.

Haddaba wuxuu yidhi:

Anoo xog badan haynin baan UDUB, xaajadeed galaye
Waxan xalay xiddigaha tiriyoon, xeradda eegaaba
Waxaan xilkaskii xisbiga UDUB, xaashi ku dhigaaba
Xeer-beegtiddii xisbiga waxaan, xulafo raadshaaba
Waxaan xasuustii Keeysoow, tallo ku xiiqaaba
Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiye
Xayndaab nin laga dhigtiyo adaa, xusulo dhaadheere
Xalaawaad nin helaayabaa, xaajo meel marine
Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xule e
Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye,


Xayawaankuba waxa uu gala, xaafad gooniya e
Waa dar aan xeerar iyo lahayn, xaakim iyo sheekhe
Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e
Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye
Xaajigii Rashiid iyo raggii, xukunka keenaayey
Raggii xeel-dheeri gartaa, xarafka feeygaaray
Gaagaaliyo xisbiyahannaddii, xididka beeraayey
Xaqii Maxamuud Siciid yidhee, xalayto lay sheegay
Idiris baa xasuus ka tegiyo, xaragadiisiiye
Cumar Jaamac, Hodan iyo xulkii, xagarka diidaayey
Xisti niman lahayniyo Abiib, xaakim ina Daahir
Xubnihii Mingistiyo lahaa, Xaaji Ina Daa’uud
Hindi xeegadiisiyo halkuu, xawda kaga gooyey
Ina Cabdi Malow xalkuu waday, waa xadiis dhaba e
Xildhibaan Ayaanliyo Jirdiyo, xulashaydeediina
Xawaareeyiyo Ina Cigaan, weli u xiisoone,

Cali Gurey haddalkuu xushaye, hoosta ka xariiqay
Xaamudiyo Dabliyo Miiganiyo, Xaakim Ina Yuufle
Barkhadiyo Tallaabiyo xertii, waa u xogogaale
Laba Diiriyiyo xidigyaddii, xaawle Ina Qaasim
Xildhibaan Garaadiyo Gadhweyniyo, xulufaddii Shiine
Xeerbeegti Ina Yaasiniyo, Xasanaddii fiicnaa
Raggii gardaradda xayndaabaye, xeerar ku wareejay
Waxaan xasuustii Keysoow, tallo ku xiiqaaba
Waxaan xifaallaha dareenkii, xalayto reemaaba
Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiyey,

Kuwii kibir xuuraamiyee, xanaf wareeraayey
Iyo dar xariifnimo sheegtayoo, xabag sideedaa ah
Iyo duul beerkiyo xaydhaba, xulashadeed diiday
Xaqiiqduba uma muuqatoo, mana xishoodaane,

Xurmo badan nimaad siisayoo, kuna xumeeynaaya
Iyo nimay xaajo meel u taal, looma duur xullo e
Odaytinimo xisbigaan bidayaye, xulatay laabtaydu
Xisbigaan dartii u xiiqaye, uba xajiimoobay
Xisbigaan xoog iyo xoolaba, xuubka ku idleeyay
Hadday xaakimaddii hor fadhiyey, xoollo ka rabaane,

Riyaallan xogtiisii heloo, xuurto beegsadaye
Nimankii xisbiga laba listee, xoorka ka dhamaayey
Xaalad abuur iyo waxay wadaan, xasaradoodiiye
Xurguf waxay caddeeysteen bal eeg, xaqa la diidaayo
Xinjirtii cas miyaa lagu murmaa, midabka xoogeeysan
Xishoodku wuxuu qayb ka yahay, xididadeenaase
Ninkaygii xisbiga u hiishaybay, ximi yidhaahdeene
Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xullo e
Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye,

Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e
Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye
Bini aadam xad buu leeyahiyo, wuxuu u xeertaaye
Nina keligii ma xuurteysan karo, tallo xisaabteede
Waa in xumaanta ka dhiidhinaa, xarakadeedaase
Nin xasanaad doonayaa si kale, uma xadreeyeene
Ninkaa xaqaygii laalaye, xeerka jebinaaya
Xaq-soor inuu noqdaan rabee, rag is xiniin taabay,

Dalkii in loo xuub-siito buu, xaaji sugayaaye
In loo xusul duubto aayahay, umaddi xiiseeyne
Xigaalkaan kasbaday reer UDUB, xulufo weeyntiina
Dadkii taageeradaa xasilan, xarakadaas keenay
Salaan xushmad lehiyo iiga gee, xarafka diimeedna,

Wa Bilaahi Tawfiiq: Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo;

Gabayga waxa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen




abdighani mohamoud omer(cmc)
cabdiganimc@gmail.com







0 comments:

Post a Comment