Ads 468x60px

.

Sunday 22 April 2012

Ururadii Hadhay Oo Tahli Waayay In Ay Ka Dhabeeyaan Wacadkii Ay Galeen iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Digniin Afka Ah U Diray

Hargeysa..today..Xukuumadda Somaliland ayaa xoog ku hor istaagtay baaqii ay shalay taageerayaashooda u jeediyeen todoba urur siyaasadeed oo ka mid ah sagaalkii ay gudida diiwaangelinta ururadu shaacisay in ay ku hadheen tartankii ururadda siyaasadda.

Inta badan jidadka waaweyn ee Magaaladda Hargeysa iyo waliba nawaaxiga  xarunta madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu arkayay ciidamo aad u tiro badan, kuwaas oo u darban dhaqdhaqaaqyadda siyaasadeed ee ururadaasi.
Baaqan ay shalay jeediyeen ururadii hadhay ayaa waxa ay ku sheegeen in ay saddex maalmood oo xidhiidh ahi dhigi doonaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan talabaada gudida diiwaan gelinta ururadda.
Sidoo kale wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo u waramayay warbaahinta ayaa henjabaad aad u kulul u diray ururada waxaanu xusay in aanay dhici doonin wax mudaharaad ahi.
Mar uu la hadlayay ururadda hadhay waxa uu sheegay in ay yihiin kuwo dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka ku ah raad barad “ururadan hadhay waxay ahaayeen socod barad, waxaana la odhan karaa waxa ay ku hadheen oo reebay waa raad baradnimo, laakiin waxa keliya ee u furani waa in ay garnaqsi ka galaan, ka diidaana ha qarxo” ayuu yidhi.
Waxa uu ku hanjabay in aanay marnaba suurtogal ahayn in ay ururaddu wax talaabo ah qaadaan “Madaxweynaha aniga ayaa amniga dalka wakiil uga ah, mana ogolin wixii wax yeelaya umadda iyo dalkaba” ayuu  yidhi.

0 comments:

Post a Comment